Wakiilada golaha hoose ee Nairobi oo doonaya inay xilka ka xayuubiyaan Beatrice Elachi

Xubnaha Golaha hoose ee Nairobi ayaa bilaabay olole cusub oo ah mooshin xilka looga qaadayo guddoomiyaha golahan, Beatrice Elachi iyaga oo ku eedeynaya maamul xumo iyo waxyaabo kale.
Wakiilada golaha hoose ee Nairobi ayaa shalay uruuriyay 51 saxiix oo ka sareeya 42 oo laga rabey taas oo xilka looga qaadayo Beatrice Elachi waxayna u gudbiyeen golaha Nairobi.
Wakiiladan doonaya in xilka laga qaabo Ms Beatrice Elachi ayaa waxaa hoggaaminaya Wilson Ocholla oo laga soo dortay xaafadda Utalii kana tirsan xisbiga ODM.
Waxaa ay ku eedeyeen in xafiiska ay u adeegsatay hanti ay leedahay islamarkaana ay yihiin hoggaamiyeyaal la soo doortay oo aan aqbalayn inay ku shaqeyaan qawaaniin militari waa sida ay hadalka u dhigeen.
Waxyabaha ay ku eedeenayaan Ms Elachi ayaa waxaa ka mid ah ku xadgudubka xafiiska, magacaabida sharci darrada ah ee ku saleysan musuqmaasuqa, hoggaanka liita, waxyeelaynta wakiillada iyo howlwadeennada goleyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here