Wakiilada ismaamulka Nyamira oo diiday hindisaha sharciga lagu beddelayo

Wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Nyamira ayaa dhinac isaga dhigay hindise sharciyeedka lagu doonayo in wax looga beddelo dastuurka ee uu soo saaray xisbiga Thirdway Alliance.
Hoggaamiyaha xisbigan Dr. Ekuru Aukot ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dadaal ugu jiray in siyaasiyiinta laga soo doortay deegaanada hoose ee ismamulada uu taageero ka helo.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee dowlad deegaanka Nyamira , Duke Masira ayaa wakiilada hindisaha u bandhigay.
Hasa ahaate waxaa dhacday in aanan la sii akhrin kaddib markii wakiilka laga soo doortay woodka ama deegaanka hoose ee Bomwagamo Charles Barongo uu ka gaabsaday inuu noqdo qofka labaad ee taageera.
Waxaa horay soo jeedinta Aukot looga diiday ismaamulada Siaya, Homa Bay iyo Murang’a iyadoo laga meel mariyay Uasin Gishu oo keliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here