Wakiilada Puntland oo ansixiyay xubnaha Maxkamadda Dastuuriga

Kulanka 22-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa lagu ansixiyay ajandeyaal muhiim ah.
Fadhiga maanta waxaa joogay 39 Xildhibaan Ajandaha ayaa ah dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Maamulka Puntland ayaa dood sharci ah ka yeeshay dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, 38 Mudane ayaa u codeeyay Ajandaha Kalfadhiga 46-aad qodobka ugu dambeeya laga dhigo dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, halka hal mudane uu diiday, qof ka aamusayna uusan jirin.
22 sanno ka dib markii ugu horaysay ayey Xildhibaanada maamulka Puntland ka doodeen Dhameysirka Maxkamadda Dastuuriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here