Wakiilka deegaanka hoose ee Kahawa Wendani ee Kiambu oo dhintay

Wakiilkii deegaanka hoose ama woodka Kahawa Wendani ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha dalka ,Cyrus Omondi ayaa lagu soo warramayaa inuu ku geeriyooday dalka India
Guddoomiyaha golaha hoose ee Kiambu Stephen Ndichu, ayaa warbaahinta u sheegay in Mr. Omondi uu wadna garaac saameeyay isagoo safar ku joogo India.
Rono Kosigi oo ah sarkaalka safaaradda Kenya ee New Delhi u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ayaa laga soo xigtay in Omondi uu ku dhintay magaalada Mumbai.
Waxay wararku intaas ku darayaan in wakiilka iyo xubnaha kale ee guddiga waxbarashada ee dowlad deegaanka Kiambu ay India kaga qeyb galayeen aqoon isweydaarsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here