Wakiilka deegaanka Kiamokama oo geeriyooday

Wakiilkii deegaanka hoose ee Kiamokama ee ismaamulka Kisii Ken Mainya ayaa saacado ka hor ku geeriyooday magaalada Narok xilli loo soo waday magaaladatan Nairobi si loogu daweeyo.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Kisii Timothy Ogugu ayaa warkan maanta u xaqiijiyay warbaahinta
Masuulkan ayaa maalinkii Khamistii ee toddobaadki hore la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Kisii.
Dhakhaatirtii la tacaaleysay xaaladiisa ayaa saaka daaweyn khaas ugu diray magaalada Nairobi si u helo daryeel caafimaad balse u geeriyooday inta uusan soo gaarin.
Mr Ken Mainya ayaa ka mid noqday golaha hoose ismaamulka Kisii sanadkii 2013-kii isagoo u maray xisbiga ODM waxaana markale u xajistay kursigiisa doorashadi 2017-ka.
Ila hadda macadda xanuunka sababay geeridiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here