Wakiilka haweenka ee Murang’a oo ka hadashay xilka qaadis lagu sameynayo guddoomiyaha baarlamaanka

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka ahna guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee baarlamaanka Sabina Chege ayaa muujisay dareenkeeda ku aaddan xilka qaadis lagu hanjabay in lagu sameynayo guddoomiyaha golahaasi Mr. Justin Muturi.
Arrintan ayaa timid kaddib markii mudanaha deegaanka Koonfurta Gatundu Moses Kuria uu sheegay inuu gudbinayo mooshin ka dhan ah Muturi.
Waxay tani ka dhalatay go’aan uu guddoomiyaha baarlamaanka dalka ka qaatay dhaqangelinta warbixinta guddiga BBI .
Mr .Muturi ayaa carrabka ku dhuftay in qodobbada ku xusan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ay yihiin kuwo ka turjumaya aragtida dadweynaha sidaasi awgeeedna la doonayo in shacabka ay kaalin ku lahaadaan ku tallaaba qaadka arrinkan.
Muturi ayaa u muuqdo inuu taageerayo go’aanka mucaaradka ee ah in afti la qabto isagoo caddeeyay in xildhibaannada aynan sameyn karin qorsho aan la ansaxin.
Waxaa uu cid kasta oo ku goodinaysa inay xilka qaadis ku sameyso ugu baaqay inaynan qorshahaasi la soo daahin.
Muturi ayaa xusay in hadii sababaha la cuskanayo ay yihiin kuwo dastuurka waafaqsan uu diyaar u yahay inuu ansaxiyo si uu jagadaasi u banneeyo.
Sabina Chege ayaa dhankeeda sheegtay in cidii qorshahaasi damacsan laga doonayo inay soo buuxiso shuruudaha dastuuriga ah

Siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyada Jubilee iyo mucaaradka ODM ayaa ku kala aragti duwan tallaabada xigta ee la qaadayo maadaama warbixintii in muddo ah la sugayay kenyaanka loo soo bandhigay.
Madaxda uu hor kacayo Raila Odinga ayaa qabo inay qasab tahay in loo dareero afti ay dadweynaha ka qeyb qaadanayaan oo wax looga beddelayo dastuurka wadanka u degsan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto iyo xulafadiisa ayaa door bidaya in baarlamaanka uu sameeyo isbeddelada la soo jeediyay in kastoo ay dhanka kale sheegayaan inaynan wax dhib ah ku qabin haddii ay afti dhacdo.
Dhanka kale senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Mr. Kipchumba Murkomen ayaa sheegay inuu si buuxda u taageerayo warbixinta BBI balse sida uu hadalka u dhigay ay jiraan siyaasiyiin aan daacad ka ahayn geedisocodkan.
Warbixintan oo lagu sheegay inay wadanka u horseedayso midnimo buuxda ayaa lagu soo jeediyay inuu dalka ka jiro ra’iisuul wasaare.
Sido kale waxay meesha ka saaraysa xilalka xoghayayaasha sare ee wasaaradaha kala duwan u qaabilsan dhanka maamulka ee CAS.
Waxay ku talinaysa in ka hor doorashada guud ee 2022-ka la soo dhiso guddi cusub ee codeynta maareynaya.
In dadka soo sheego falalka musuqmaasuqa la siiyo boqolkiiba 5 ee dhaqaalaha la dhacay ee dib loo soo helay.
In siyaasiga looga guulaysto doorashada madaxtinimo uu noqdo hoggaamiye mucaarad oo baarlamaanka ka tirsan dowladdana ay si rasmi ah u aqoonsan tahay.
In miisaaniyadda la siiyo dowladaha ismaamullada ay noqoto boqolkiiba 35 ilaa 50.
In haddii barasaabka dowlad deegaanka uu qof rag yahay inay haweeney ku xigeen u noqoto iyo arrimo kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here