Wakiilka haweenka ee Nairobi oo sheegtay inay dacwad ka gudbin doonto hoggaamiyaha ismaamulka

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Nairobi Mrs. Esther Passaris oo dib uga soo laabatay shir ay kaga qeyb gashay dalka Canada ayaa sheegtay inay iska xaaridin doonto xafiisyada waaxyaha dambi baarista ee DCI-da iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC si ay ugu gudbiso dacwado ka dhan ah barasaabka dowlad deegaanka Nairobi Mike Sonko.
Xilli ay warbaahinta kula hadashay gagida caalamiga ee JKIA, magaaladatani Nairobi ayay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku ammaantay inuu waqti geliyay inuu ka qeyb galo shir looga hadlayay arrimaha haweenka.
Waxay intaasi ku dartay inay lagama maarmaan tahay in haweenka la qadariyo xuquuqdoodana la ilaaliyo.
Mrs. Passaris ayaa hoosta ka xariirqday in ilaalinta xuquuqda dumarka ay tahay sida ay hadalka u dhigtay tixgelinta xuquuqul insaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii barasaabka Nairobi uu goob fagaaro ah hadal la qoonsaday ku yidhi wakiilka haweenka.
Waxay sheegtay inaynan warbaahinta ama baraha bulshada u marin doonin hadal ay ugu jawaabayso Sonko oo arrimo dhowr ah ku eedeyay.
Xafiisyada dambi baarista iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayay carrabka ku dhufatay inay u bandhigi doonto dacwadda ay qabto ee ka dhanka ah barasaabka Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here