Wakiilka haweenka ee Wajeer oo dhaliishay waaxda KEBS

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi oo saaka marti ku ahayd barnaamijka hoggaanka Star ayaa dhaliishay waxqabadka waaxda qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee KEBS.
Arrintan ayaa timid kaddib markii waaxdan ay dhawaan ka deyrisay tayada qaar ka mid ah badeecooyinka wadanka laga isticmaalo.
Mrs. Gedi ayaa hoosta ka xarriiqday in go’aanka KEBS uu ka turjumayo in shaqadii loo igmaday sida habboon aynan u gudan sidaasi awgeedna ay baaq u direyso madaxweynaha inuu tani wax ka qabto

Waxay dhanka kale carrabka ku dhufatay in isbeddelka la doonayo in lagu sameeyo sharciga wadanka iyo warbixinta laga sugayo guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ay dani ugu jirto waqooyi bari
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer ayaa xilli la weydiiyay waxa muuqdo ee ilaa iyo hadda ay u qabatay dumarka, dhalinyarada iyo naafadda dowlad deeganka laga soo doortay sidatan isku difaacday

Mrs. Gedi ayaa sido kale xustay in laga dhabeyn doono dadaalada ay wadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka waqooyi bari ee Kenyaanka galay diiwaanka hay’adda UNHCR looga saarayo faraha qaxootiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here