Wakiilka Kenya ee U.K. Manoah Esipisu oo xil sare loo magacaabay

Safiirka Kenya u fadhiya Ingiriiska Manoah Esipisu ayaa loo magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Gudiga Fulinta iyo xoghaynta  ee dalalka Barwaaqo Sooranka.
Wakiilka Sare ee Kenya ee U.K. waxaa soo doortay xubno kale oo ka tirsan Golaha oo matalaya 53 dowladood oo kale oo ka tirsan Dowladaha xubnaha ka ah.
Waxaa arrintan barta tuwitarka ku xaqiijisyay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka.
Espisu, oo horay u soo noqday Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada dalka, ayaa ka shaqeyn doona doorkan cusub muddo labo sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here