Wakiilka QM oo la kulmay Maxweynaha Soomaaliland.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Ambassador James Swan.
Kulanka ayaa diirradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo qaramada midoobay u dhexeeya,dareenka ay Somaliland ka qabto kaalinta ay qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba kaga jiraan horumarka Somaliland iyo qodobo kale.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay labada dhinac ay kawada hadleen horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay iyo sida horay loogu sii wadi karo.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Somaliland ay muujisay walaaca ay ka qabto kaalmada ay qaramada midoobay iyo dalalka kale ee caalamkuba bixiyaan iyo sida ay u saluugsan yihiin.
Waxaa kale oo Wasiirka arimaha dibada Soomaaliland sheegay inay wakiilka u gudbiyeen farriintooda la xiriirta argtidad arimo dhowr ahaan u gudbiyo xoghayaha qaramada midoobay in saluug weyni kaga jiro waxtarka, dhaqaalaha iyo deeqaha laga helo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo dalalka kale ee caalamka, haddii ay tahay dhinaca dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo caawinta iyo arrimaha ay bulshadu u baahan tahay ee waxbarashada.
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inay ergayga u xaqiijiyeen inay Somaliland ka gudubtay dhammaanba wixii khilaaf ahaa, islamarkaana ay ka dhammaysatay wixii khilaaf ahaa ee dhexdeeda ka jirey, isaga oo madaxweynuhu u sheegay wakiillka inay Somaliland diyaar u tahay inay la garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah.
Dhinaciisa, wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ambassador James Swan oo isaguna kulanka kaddib warbaahinta la hadlay waxa uu caddeeyey inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo mashaariicda ay ka wadaan gudaha Somaliland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland uga mahadnaqayaan sida habsamida leh ee ay u wada shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here