Wakiilkii deegaanka hoose ee London ee Nakuru oo u geeriyooday COVID-19

Sammy Mbugua oo golaha hoose ee ismaamulka Nakuru ku matalayay shacabka deegaanka hoose ee London ayaa u geeriyooday cudurka COVID-19.
Guddoomiyaha golaha hoose ee Nakuru Joel Kairu ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida wakiilka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Sammy uu xalay dhintay xilli lagu daaweynayay isbitaalka Nakuru War Memorial Hospital.
Geerida wakiilka waxaa ka tacsiyeeyay barasaabka ismaamulka Nakuru Lee Kinyajui oo ku tilmaamay shakhsi si daacad ah uga shaqeyn jiray xallinta dhibaatooyinka shacabka soo doortay.
Guddoomiye ku xigeenka golaha hoose ee Nakuru Samuel Tonui ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska uu ka baxay wakiilkii deegaanka hoose ee London isagoo faahfaahin ka bixiyay xilalkii kala duwanaa ee uu hayay

Waa wakiilkii labaad ee muddo labo toddobaad gudahood ah ismaamulka Nakuru ugu dhintay cudurka.
Waxaa ka horeeyay John Njuguna oo COVID-19 u geeriyooday 9-kii bishan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here