Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kakamega oo la fasaxay

Waxaa dib loo dhigay kal-fadhiyada golaha hoose ee dowlad deegaanka Kakamega ee galbeedka dalka.
Wakiillada ayaa waxaa xilli hore u billowday fasax kaddib markii cabsi laga muujiyay in qaar ka mid ah ay suurtagal tahay in uu haleelay cudurka COVID19.
Maalinkii Arbacada ayuu jahwareer ka jiray xaruntaas kaddib markii saddex xubnood oo isniintii xanuunsaday la dhigay isbitaalka.
Guddoomiyaha golaha hoose ee Kakamega Morris Buluma oo arrinkan ka hadlay ayaa sheegay in guddiga qaabilsan howlaha golaha uu ku taliyay in wakiillada la fasaxo ka hor xilligii loogu talagalay.
Mr. Buluma ayaa dhanka kale sheegay in ilaa iyo hadda aynan xaqiijin mas’uul uu cudurka COVID19 soo ritay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here