Wakiillada golaha hoose ee Nairobi oo maanta guddoomiye dooranaya

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa lagu wadaa inay maanta u codeyaan guddoomiyaha cusub kaddib markii toddobaadkan gudihiisa ay is casishay Beatrice Elachi oo xilkan haysay.
Waxaa hadda guddoomiye ku meel gaar ah ku xigeenkeedii John Kamau Kamangu.
Codeynta ayaa lagu wadaa inay dhacdo galinka dambe ee maanta.
Waxay Elachi sheegtay inay warqadda iscasilaadda u gudbisay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta kaddib markii ay u soo baxday in nolosheeda iyo qoyskeeda ay halis ku jirto.
Elachi ayaa sidoo kale xustay inay culeys, jahwareer iyo faragalin kaga timid dhanka guddoomiyaha Nairobi Mike Sonko taasina ay ku dhalisay inay xafiiska isaga tagto.
In muddo ah waxaa soo jiitamayay isqabqabsiga siyaasadeed ee la xiriira hoggaanka Nairobi.
Sido kale Nairobi ayaa tan iyo bishii koowaad ee sannadkii 2018-kii aan lahayn barasaab ku xigeen xilligaas oo uu iscasilay Polycarp Igathe oo sheegay inaynan wada shaqeyn karin isaga iyo Mike Sonko .
Mike Sonko oo lagu eedeyay musuqmaasuqa ayay quddiisa maxkamadda ka hor istaagtay inuu tago xafiiskiisa rasmiga ee uu ka howlgalo.
Sido kale maalmihii la soo dhaafay waxaa uu isfahan waa’ u dhexeyay barasaabka Nairobi Mike Sonko iyo agaasimaha guud ee maamulka NMS ee bixiya adeegyada bulshada ee magaala madaxda wadanka Maxamad Badi in kastoo uu maalmo ka hor sheegay inay ku heshiiyeen wada shaqeyn.
Sonko oo Elachi ku eedeyay inay fulinaysay danaha dowladda dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in caasimadda dalka uunan ka jirin khilaaf dhanka hoggaanka ah .

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here