Wakiillada ismaamulka Mandera oo turxaan bixinaya wasiirka cusub ee ganacsiga

Guddiga golaha hoose ee ismaamulka Mandera u qaabilsan turxaan bixinta saraakiisha loo soo magacaabo xilalka hoggaanka ayaa maanta su’aalo weydiinaya Mr. Aadan Dhaqane Xaamud.
Mas’uulkan ayaa loo soo xushay inuu noqdo wasiirka ganacsiga , maalgashiga, warshadaha iyo horumarinta iskaashatada ee Mandera.
Dhanka kale waxaa la soo gabagabeeyay barnaamij labo maalmood socday oo ay dadweynaha kaga ra’yi dhiibanayeen hindise sharciyeedka maaliyadda ee 2020-ka.
Barnaamijkan waxaa ku howlaneyd waaxda dowladda ismaamulka Mandera u qaabilsan uruurinta dakhliga ka soo xaroodo canshuurta waxaana laga fulinayay deegaanada kala duwan ee ismaamulkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here