Wakiillada ismaamullada oo doonaya inay la kulmaan madaxweynaha iyo Raila Odinga

Daladda ay ku mideysan yihiin wakiillada ismaamullada kala duwan ee dalka ee (CAF) ayaa sheegtay inay ku dadaalayso sidii ay kulan ula yeelan lahayd madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Mas’uuliyiintan ayaa doonaya in ay Uhuru iyo Raila kala hadlaan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI.
Waxay sheegeen in qorshahoodu uu yahay in ay labada mas’uul ee ku midoobay heshiiskii taariikhiga ahaa la wadaagaan aragtiyadooda ku aaddan warbixinta ka hor inta aan golayaasha ay ka tirsan yihiin la hor geyn.
Wakiillada ayaa ku doodaya in xildhibaanada baarlamaanka iyo aqalka sare lala kulmay oo la qanciyay sidaas awgeedna ay dalbanayaan in iyagana la dhageysto.

Dhanka kale  qaar ka mid ah wakiillada  golaha hoose ee ismaamulka  Lamu ayaa  taageeray warbixinta guddiga BBI  waxayna sheegeen in dhaqangelinteeda ay dalka u horseedi doonto  horumar ballaaran

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here