Wakiillada Jubilee ee Nairobi oo kulan la isugu yeeray

Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Jubilee Mr. Raphael Tuju ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in wakiillada golaha hoose ee Nairobi ku matalo xisbiga laga doonayo inay ka soo qayb galaan kulan maanta la qabanaya.
Xisbiga Jubilee ayaa golaha hoose ee Nairobi ku leh 65 wakiillo ah oo isugu jiro kuwo la soo doortay iyo qaar si magacaabid ah ku galay.
Shirka ayaa lagu qabanayaa xarunta dhexe ee xisbiga Jubilee xaafadda Pangani ee Nairobi.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo berri oo Jimco xubnaha golaha caasimadda dalka ay u codeyn doonaan guddoomiye cusub.
Dhawaan ayay ahayd markii Beatrice Elachi oo wakiillada hoggaaminaysay ay is casishay.
Waxay sheegtay inay warqadda iscasilaadda u gudbisay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta kaddib markii ay u soo baxday in nolosheeda iyo qoyskeeda ay halis ku jirto.
Elachi ayaa sidoo kale sheegtay inay culeys, jahwareer iyo faragalin kaga timid dhanka guddoomiyaha Nairobi Mike Sonko taasina ay ku dhalisay inay xafiiska isaga tagto.
Sidoo kale 8 wakiillo oo iyagana lagu eedeeyay inay baal mareen habdhaqanka wanaagsan ee laga doonayo xubnaha Jubilee ayaa lagu wadaa inay ka soo hor muuqdaan guddiga nidaamka ee xisbiga.
In muddo ah waxaa soo jiitamayay isqabqabsiga siyaasadeed ee la xiriira hoggaanka Nairobi.
Waxaa hadda xilkii guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi ee ay Elachi baneeysay si ku meel gaar ah u sii haya ku xigeenkeedii John Kamau Kamangu.
Sido kale Nairobi ayaa tan iyo bishii koowaad ee sannadkii 2018-kii aan lahayn barasaab ku xigeen xilligaas oo uu iscasilay Polycarp Igathe oo sheegay inaynan wada shaqeyn karin isaga iyo Mike Sonko .
Mike Sonko oo lagu eedeyay musuqmaasuqa ayay quddiisa maxkamadda ka hor istaagtay inuu tago xafiiskiisa rasmiga ee uu ka howlgalo.
Sido kale maalmihii la soo dhaafay waxaa uu isfahan waa’ u dhexeyay barasaabka Nairobi Mike Sonko iyo agaasimaha guud ee maamulka NMS ee bixiya adeegyada bulshada ee magaala madaxda wadanka Maxamad Badi in kastoo shalay ay shaaciyeen inay ku heshiiyeen wada shaqeyn.
Sonko oo Elachi ku eedeyay inay fulinaysay danaha dowladda dhexe ayaa maanta warbaahinta u sheegay in caasimadda dalka uunan ka jirin khilaaf dhanka hoggaanka ah .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here