Wakiillada Kirinyaga oo maxkamadda gaynaya dacwad ka dhan ah Waiguru

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kirinyaga gobolka bartamaha dalka ayaa wacad ku maray inay maxkamadda u gudbin doonaan dacwad ay kaga soo horjeedaan in aqalka sare uu daaqadda ka tuuray xilka qaadistii barasaabka dowlad deegaankaas Anne Waiguru.
Waxay sheegeen inay maxkamadda sare ka hor caddeyn doonaan sababta aynan ugu qanacsaneyn go’aankii uu qaatay guddigii gaarka ahaa ee uu hoggaaminayay senatarka ismaamulkaa Kakamega Mr. Cleophas Malala.
Guddigan ayaa sheegay inuu wax dambi ah ku waayay Waiguru oo lagu eedeyay ku takriifal awoodeed iyo inay dastuurka ku xadgudubtay.
Wakiilladan oo dhan 23 oo uu matalaya qareenkooda ,Ndegwa Njiru ayaa hoosta ka xarriiqay inay caddaalad raadsan doonaan.
Mr. Njiru ayaa xusay in siyaasiyiintan iyo xita Kenyaanka ay la yaab ku noqotay inaan barasaabka wax dembi ah lagu caddeyn.
Qareenka ayaa sheegay inay aqalka sare u bandhigeen caddeymo wax ku ool ah balse uu iska indha tiray.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ay soo dhaweysay go’aan ka soo baxay guddiga aqalka sare.
Haweeneydan ayaa go’aanka guddiga ku tilmaantay mid taariikhi ah waxayna sheegtay in xilka qaadisteeda ay ka dambeyeen shakhsiyaad ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here