Wakiillada Kirinyaga oo wada -hadalo la yeelanaya barasaabka ismaamulkaas

Wakiillada ismaamulka Kirinyaga, gobolka bartamaha dalka ayaa sheegaya inay kulan la qaadanayaan barasaabka dowlad deegaankaas Ann Waiguru si xal looga gaaro khilaafka u dhexeya.
Wakiilka deegaanka hoose ee Tebere Gudson Muchina oo la hadlay Citizen ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu intaa ku daray in wada-hadallada si gaar ah diiradda loogu saaraya miisaaniyadda dheeraadka ee sannadka 2020-2021-ka ee la ansaxiyay.
Mas’uulkan ayaa xusay in lagu heshiiyay inaan la eegin arrimaha siyaasadeed ee Kirinyaga balse la isla meel dhigo muranka miisaaniyadeed.
Barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa horay wakiilada ugu eedeysay inay carqaladeynayaan waxqabadkeeda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here