Wakiillada Nairobi oo berri kulan gaar ah yeelanaya

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa lagu wadaa in maalinka berri oo khamiis ah ay yeeshaan kal fadhi gaar ah.
Waxay mas’uuliyiintan ka doodi doonaan xaaladda hoggaanka caasimadda dalka.
Guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi ,Beatrice Elachi ayaa sheegtay inayn kulankan isugu yeertay si xal loogu helo gaabadkan dhanka maamulka ah ee jiro.
Waxaa lagu wadaa inay siyaasiyiinta Nairobi ay ka hadlaan arrimo ay ka mid tahay magacaabid uu dhawaan sameeyay barasaabka Nairobi Mike Sonko.
Mike Sonko ayaa wakiillada ugu baaqay inay turxaan bixin qoto dheer ku sameeyaan haweeney uu doonayo inay ku xigeen u noqoto.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji uu sheegay inuu toddobaadkan gudihiisa maxkamadda geeynayo dacwad uu kaga soo horjeedo go’aan ka soo baxay barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko.
Mr. Xaaji ayaa ku doodaya in Barasaabka Nairobi uu dafiray shuruudii la xiriirtay damiin uu bannaanka ku joogo.
Qareenada dalka ayaa siyaabo kala duwan u fasiray amarkii maxkamadda ee guddoomiyaha looga hor istaagay inuu iska xaadiriyo xafiiska uu bulshada uga adeego.
Qaar ka mid ah ayaa ku doodaya in amarkaasi uunan barasaabka u diidin gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah sida inuu magacaabid sameeyo.
Waxay qabaan in amarkaas uu ka dhigan yahay oo keliya inuunan xafiiska tagi karin maadaama laga cabsi qabo in taasi ay farageliso baaritaanada ka dhanka ah.
Guddoomiyaha caasimadda dalka Mike Sonko ayaa ku xigeenkiisa u magacaabay Anne Kananu Mwenda.
Ms.Mwenda ayaa hadda ah sarkaalka ugu sarreeya ee dowlad deegaanka Nairobi u qaabilsan maareynta musiibooyinka.
Waxay sido kale jagadan mid la mid ah si ku meel gaar ah uga haysaa waaxda adeegyada biyaha.
Mr .Sonko oo ay horay maxkamadda dalka uga mamnuucday inuu xafiiskiisa rasmiga ah tago kaddib markii lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq oo lagu lunsaday lacag dhan 357.4 milyan oo shilin ayaa sheegay in magacaabidda ku xigeenkiisa uu ku saleeyay dastuurka iyo talo bishii saddexaad ee sannadkii 2018-kii ka soo baxday maxkamadda ugu sarreysa wadanka.
Mike Sonko ayaa sido kale xusay inuu tallaabadan qaaday kaddib markii uu qiimeeyay caqabadda dhanka hoggaanka ee ka jirta Nairobi.
Tan iyo bishii Janaayo sanadkii 2018-kii , ismaamulka Nairobi ma uunan lahayn barasaab ku xigeen xilligaas oo uu iscasilay Mr Polycarp Igathe oo sheegay inuu kalsooni ka waayay Mike Sonko.
Warqad uu Mike Sonko soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayaa muujinaysa in guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi Beatrice Elach ay heshay qoraalka lagu magacaabay Anne Kananu .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here