Wakiillada Nairobi oo go’aamo ka soo saaray arrimaha hoggaanka ee caasimadda dalka

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa kal fadhi gaar ah oo ay shalay yeesheen waxay ku go’aamiyeen in wasiirrada dowlad deegaanka ay si dhow ula shaqeyn doonaan guddi 2018-kii loo xil saaray inuu isku duba rido howlaha ismaamullada iyo dowladda dhexe.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay inuunan hakad ku imaan bixinta adeegyada loo fidiyo dadweynaha ku nool magaala madaxda wadanka.
Ismaamulka Nairobi ayaa wajahaya caqabad dhanka hoggaanka ah maadaama Mike Sonko oo lala xiriiriyay fal musuqmaasuqa ay maxkamadda ka hor istaagtay inuu tago xafiiska rasmiga ee uu bulshada ugu adeego.
Sido kale waxaan weli la ansaxin Ms. Anne Kananu Mwenda oo uu Sonko maalmo ka hor soo magacaabay si ay u buuxiso xilkii uu bishii koowaad ee sannadkii 2018-kii uu banneeyay ku xigeenkiisii Polycarp Igathe oo waqtigaas is casilay.
Guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi Mrs. Beatrice Elachi oo guddoominaysay shirka shalay qabsoomay ayaa hoosta ka xarriqday in wasiiraddii uu Mike Sonko soo magacaabay laga doonayo inay la shaqeeyaan wasiirka dalxiiska Najib Balala oo hoggaaminaya guddiga iskdhafka ee danaha laba heer ee dowladda.
Sido kale wasaaradda maaliyadda ee ismaamulka Nairobi ayaa laga dalbaday inay bixiso lacagaha deymaha ee ka maqan dhalinyarada, haweenka iyo naafada qandaraasyada la siiyay.
Wasaaradda arrimaha waddooyinka ee Nairobi ayaa sido kale lagu amray inay la shaqeyso maamulka qaabilsan waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee (KURA) si laami loo saaro oo dayactir loogu sameeyo waddooyinka caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here