Wakiillada Nairobi oo laga mamnuucay safarrada imaaraadka

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Nairobi, Beatrice Elachi ayaa wakiillada laga soo doortay deegaannada hoose ee caasimadda wadanka ka mamnuucday safarrada joogtada ah ee ay ku tagaan magaalada Dubai ee isutagga imaaraadka carabta.
Sido kale Ms. Elachi ayaa amar ku bixisay in baaritaano lagu sameeyo deeyn dhan 2.35 milyan oo shilin una dhiganta 23,500 oo doolar taasoo ismaamulka Nairobi ay ku leedahay shirkad laga leeyahay imaaraadka.
Shirkaddan ayaa adeegyo dhanka safarrada ah u fidinaysay wakiiladda Nairobi.
Ms Elachi ayaa hoosta ka xarriiqday in siyaasiyiinta aynan wax safar ah halkaas ku tagi karin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya baaritaanada ku aaddan qaabka deyntan loogu yeeshay magaala madaxda wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here