Wakiillada Nairobi oo maanta kulan gaar ah yeelanaya

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa lagu wadaa in maanta ay yeeshaan kal fadhi gaar ah.
Waxay mas’uuliyiintan ka doodi doonaan xaaladda hoggaanka caasimadda dalka.
Guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi ,Beatrice Elachi ayaa sheegtay inay siyaasiyiinta isugu yeertay si xal loogu helo gaabadkan dhanka maamulka ah ee jiro iyo inay ka hadlaan magacaabid uu dhawaan sameeyay barasaabka Nairobi Mike Sonko.
Mike Sonko ayaa wakiillada ugu baaqay inay turxaan bixin qoto dheer ku sameeyaan haweeney uu doonayo inay ku xigeen u noqoto.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji uu sheegay inuu toddobaadkan gudihiisa maxkamadda geeynayo dacwad uu kaga soo horjeedo go’aanka Mike Sonko.
Mr. Xaaji ayaa ku doodaya in Barasaabka Nairobi uu dafiray shuruudii la xiriirtay damiin uu bannaanka ku joogo.
Qareenada dalka ayaa siyaabo kala duwan u fasiray amarkii maxkamadda ee guddoomiyaha looga hor istaagay inuu iska xaadiriyo xafiiska uu bulshada ugu adeego.
Qaar ka mid ah ayaa ku doodaya in amarkaasi uunan barasaabka u diidin gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah sida inuu magacaabid sameeyo.
Waxay qabaan in amarkaas uu ka dhigan yahay oo keliya inuunan xafiiska tagi karin maadaama laga cabsi qabo in taasi ay farageliso baaritaanada ku saabsan musuqmaasuqa ee isaga ka dhanka ah.
Guddoomiyaha caasimadda dalka Mike Sonko ayaa ku xigeenkiisa u magacaabay Anne Kananu Mwenda.
Ms.Mwenda ayaa hadda ah sarkaalka ugu sarreeya ee dowlad deegaanka Nairobi u qaabilsan maareynta musiibooyinka waxayna sido kale jagadan mid la mid ah si ku meel gaar ah uga haysaa waaxda adeegyada biyaha.
Mr .Sonko oo ay horay maxkamadda dalka uga mamnuucday inuu xafiiskiisa rasmiga ah tago kaddib markii lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq oo lagu lunsaday lacag dhan 357.4 milyan oo shilin ayaa sheegay in magacaabidda ku xigeenkiisa uu ku saleeyay dastuurka iyo talo bishii saddexaad ee sannadkii 2018-kii ka soo baxday maxkamadda ugu sarreysa wadanka.
Waxaa uu sido kale xusay inuu tallaabadan qaaday kaddib markii uu qiimeeyay caqabadda dhanka hoggaanka ee ka jirta magaala madaxda wadanka.
Tan iyo bishii Janaayo sanadkii 2018-kii , ismaamulka Nairobi ma uunan lahayn barasaab ku xigeen xilligaas oo uu iscasilay Mr Polycarp Igathe oo sheegay inuu kalsooni ka waayay Mike Sonko.
Dhanka kale golaha ay ku mideysanyihiin guddoomiyaasha ismaamullada dalka ee COG ayaa soo dhaweeyay magacaabidda uu Sonko sameeyay.
Guddoomiyaha COG ahna barasaabka ismaamulka Kakamega ee gobolka galbeedka dalka Mr. Wycliffe Oparanya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabada lagu soo magacaabay barasaab ku xigeenka Nairobi ay tahay mid waafaqsan dastuurka dalka.
Wuxuu intaasi ku daray in kastoo Mike Sonko uu eedeysane yahay hadana in dhanka kale uu u madax bannaan yahay adeegsiga xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa dastuuriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here