Wakiillada Nairobi oo maanta yeelanaya kal fadhi gaar ah

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa lagu wadaa inay wax ka yar hal bil gudaheed maanta yeeshaan kal fadhigii labaad ee gaar ah.
Waxay ka arrinsan doonaan mustaqbalka barasaab ku xigeenka uu soo magacaabay guddoomiyaha caasimadda dalka Mike Sonko ee Ann Kananu Mwenda.
Kulanka ayaa la filayaa inuu billowdo abaare 2.30 ee maanta.
Xubnaha golaha ayaa sido kale eegi doono miisaaniyad dheeraad ah oo ismaamulka uu ku shaqeeyo.
Kal fadhigii koowaad ee sannadkan ayay siyaasiyiinta laga soo doortay deegaanada hoose ee Nairobi iyo kuwa la soo magacaabay yeesheen 9-kii bishan.
Wakiillada oo 11-kii bishii 12-aad ee sannadkii hore uu u billowday fasaxooda rasmiga ayaa la rajeynaya inay kulamadoodi caadiga ahaa isugu yimaadaan 11-ka bisha labaad ee sannadkan 2020-ka.
Fariin ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi Beatrice Elachi ayaa wakiillada lagu wargeliyay kulanka gaarka ah ee qabsoomaya galinka dambe ee maanta.
Waxaa sido kale arrintan xaqiijiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee Nairobi ,Charles Thuo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here