Walaac laga muujinaya kororka kiisaska cudurka Covid-19 ee deegaano hoos taga Nakuru

Barasaabka ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui ayaa walaac ka muujiyay faafitaanka cudurka COVID-19 ee deegaanada miyiga ee hoos taga dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu sheegay in ay indhahooda ku arkeen kiisaska cudurka ay ku sii badanaya deegaanda Olenguruone iyo Subukia kuwaas oo aad uga fog xarumaha ganacsiga ee waawayn.
Waxaa uu intaa ku daray in faafida cudurka ee meelaha miyiga ay saameyn ka soo gaari karta dadka da’a iyo kuwa qaba xanuunada daba dheeraaday sidaa daraadeedna la doonaya in la qaado talaabo kasta ee looga hortagaya cudurka.
Mr .Lee Kinyanjui ayaa ku booriyay dadka deegaanka in ay feejignaadaan islamarkaana ay u hoggamsamaan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono isku xirka shaqaalaha caafimaadka bulshada si kor loogu qaado wacyigalinta ka dhanka ah cudurka Covid-19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here