Walaac laga qabo kiisaska sii kordhaya ee gudaha dalka

Waxaa maalmihii u dambeeyay dalkani Kenya laga diiwangalinayay kiisas kor u dhaafaya boqol ee caabuqa CoronaVirus.
Tani ayaa walaac ku beertay dowladda iyo kenyaanka inuu sii kordho xanuunka.
Meelaha ugu daran ee uu cudurkan ku faafaya waa ismaamul goboleedka Nairobi ee caasimadda dalka.
Xaafadaha kiisaska ugu badan laga diiwangaliyay waa Kibra iyo Ruaraka ka dib markii ay wasaaradda caafimaadka baaritaano ka sameeyeen xaafadahaas.
Nairobi ayaa ka mid ah meelaha aan la soo gali Karin lagana bixi Karin hadana waxay u muuqadaa in fayraska uu ku dhex faafayo bulshada.
Shalay ayay ahayd markii ay wasaaradda cafimaadka dalka shaacisay in la helay kiisas aad u tiro badan kuwaas oo gaaraya 127.
Tirade guud inta xanuunkan dalka uu soo ritay ayaa maraysa 1,745.
Waxaana maanta la rajaynaya in kiisas kale la diiwangaliyo maadaama ay dowladda saacadihii la soo dhaafay baaritaano caafimaad ka sameeysay ismaamulada uu taabtay caabuqan.
Waxaana cudurka COVID19 dalkani Kenya ugu dhimatay dad gaaraya 62 qof taasi oo sare u sii kacaysa.
Dalka ayaa waxaa xanuunkan aduunka ka jira ka caafimaaday 438 qof.
Xog’hayaha saree e maamulka caafimaadka dalka Dr Marcy Mwangangi ayaa sheegtay in hadii hal meel looga soo wada jeesto Corona Virus laga guulaysan karo.
Waxaa ayna sheegtay in kiisaska sii kordhaya dalka ay tahay in maalin kasta baaritaano badan la samaynayo.
Waxaa wasaaradda caafimaadka dalka hadda walaac xoogan ku haya 140 qof oo maclumaad been ah qoray kuwaas oo hadana laga helay cudurka mana la oga halka ay ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here