Walalka madaxweyanaha dalka Maraykanka oo geeriyooday

Isbitaal ku yaalla magaalada New York ee Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa inuu ku geeriyooday nin ay walaalo ahayeen madaxweynaha dalkaas Donald Trump.
Bayaan uu soo saaray madaxweyne Donald Trump ayuu dhimashada walaalkii ka yar shaaca kaga qaaday.
Ninkan ayaa lagu magacaabi jiray Robert Trump, waxayna da’adiisu ahayd 71 sano jir.
Donald Trump ayaa sheegay in walaalkiis uu si nabad ah u dhintay waxaa uuna xusay in marka laga soo tago inay wada dhasheen uu sido kale ahaa saaxiib wanaagsan isagoona intaa raaciyay in xusuustiisa qalbigiisa aysan ka go’i doonin.
Ila iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashada Robert Trump
Xilli uu madaxweyne Trump xalay warbaahinta kula hadlayay Aqalka cad ayuu diiday inuu warbaahinta siiyo faahfaahin ku saabsan dhimashada walaalkii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here