Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax ka Dhacay Gaalkacyo.

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo xalay lagu weeraray Hoteelka Five Star ee koonfurta magaalada Gaalkacyo,halkaasoo ay dagan yihiinTaliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad ee Xoogga Soomaaliya Cabdicasiis Qooje,waxaana la sheegay in Gaariga lagu dhuftay Gaari yaallay Banaanka hore ee Hotelka.
Wararka laga helayo khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa waxay sheegayaan in 8 Ruux oo isugu jiray Askar iyo dad Shacab ah oo fadhiyey banaanka Hotelka ay ku geeriyoodeen tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in weerarkaasi qaraxa ah ay ka badbaadeen Taliyaha Ciidamada Dhulka iyo taliyaha qeybta 21aad,hayeeshee ay ku waxyeeloobeen askar ka tirsan Ciidamadii la socday ee goobta ku sugnaa.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug qeybta Galmudug ayaa Tilmaamaya in ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadaan Xaafadaha ku dhow dhow hotelka la weeraray oo ay degan yihiin Taliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here