Wararka caalamka ee Coronavirus

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaad 6 toddobaad waxay diiwaangelisya kiisaskii ugu badnaa ee caabuqa coronavirus oo lagu sheegay 108 .
Tirada dhimasho ee ka dhalatay cudurka Covid-19 ee dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa u muuqato inay hoos u dhacday.
Talyaaniga ayaa tan iyo 19-kii bishii saddexaad ee sannadkan waxaa laga diiwaangeliyay dhimashadii ugu yareyd ee maalinla ah .
24-tii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha wadankaas waxaa cudurka ugu dhintay 431 qof marka loo barbardhigo maalin ka hor oo tiradan lagu sheegay 619 .
Faransiiska waxaa laga soo tabiyay 315 kiis oo dhimasho ah halka maalin ka hor ay ahayd 345.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa la filayaa inuu galinka dambe ee maanta jeediyo khudbad ku aaddan muhiimadda ay leedahay in xayiraadda dhanka isku socodka dadweynaha ay sii jirto.
Maamulka jasiiradda Hokkaido ee dalka Japan waxaa uu ku dhawaaqay xaalad labaad oo degdeg ah.
Kiisaska la xaqiijiyay ee Coronavirus ee Jarmalka waxaa ku kordhay 2,537 halka la diiwaangeliyay 126 kiis oo cusub oo dhimasho ah.
Khuburrada caafimaadka ee dalka Suuriya ayaa ka digaya in wadankaas oo ay dagaallo saameeyeen ay musiibo ka dhici karto maadaama isbitaallada aynan awoodin inay buuxiyaan baahiyaha dhanka adeegyada caafimaadka , nadaafaddana ay aad u liidato.
Booliska dalka Ecuador waxay sheegayaan in toddobaadyadii ugu dambeeyay ay ilaa 800 oo meydad ah ka aruuriyeen guriyo ku yaalla magaala xeebeedka Guayaquil oo ah Meesha uu cudurka Covid-19 ee dalkaasi saameeyay uu ka billowday.
Saraakiisha ka howlgalo meelaha meydadka la dhigo ayaa u tag waayay maareynta arrintan waxaana baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo laga dhex arkaya meydad waddooyinka looga tagay.
Dhimashada hor leh ee la xiriirta xanuunka Covid-19 ee dalka Spain ayaa xalay gaartay 517 halka shalay ay ahayd 619.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha wadankaas coronavirus ugu dhintay 17,489 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Kiisaska Coronavirus eel aga xaqiijiyay gudaha Spain oo horay ahaa166,019 ayaa hadda maraya 169,496 .
Iran’s dhimashada waxay gaartay 4,585, kaddib markii 24-saacadood gudahood la diiwaangeliyay 111 kiisas cusub ah.
Tirada guud ee kiisaska coronavirus eel aga xaqiijiyay gudaha iiraan waxay hadda tahay 73,303, waana wadanka ay saameynta ugu badan soo gaartay ee bariga dhexe.
Nasiib wanaag waxaa bogsaday 45,983 ka mid ah dadkii uu cudurka haleelay.
24-tii saac ee la soo dhaafay iiraan waxay diiwaangelisay kiisas cusub oo coronavirus oo gaaraya 1,617 .
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka dalkaas ,Kianush Jahanpur ayaa sheegay in 3,877 oo ka mid ah dadka uu cudurka ku dhacay ay xaaladooda caafimaad liidato.
In ka badan 114,000 qof ayaa guud ahaan caalamka ugu dhintay cudurka Covid-19 waxaana ka bogsaday ku dhawaad 434,000 qof halka tirada dadka uu fayraska saameeyay ay kor u dhaaftay 1.8 milyan sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here