Wararka caalamka ee Coronavirus

Cudurka Covid-19 ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha Maraykanka oo saddexdii billood ee ugu horreysay sannadkan hoos u dhacay boqolkiiba 4.8 .
Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom ayaa difaacay qaabka ay uga falceliyeen cudurka tan iyo markii uu soo billowday.
Waxaa uu xusay inay si degdeg oo u fiirsasho leh uga jawabeen.
Tirada guud ee dadka uu cudurka haleeyay caalamka ayaa gaartay 3.1 milyan oo qof.
Waxaa u dhintay in ka badan 224,600 halka 957,000 ay ka bogsadeen.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Ukraine Maksym Stepanov ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay xaqiijiyeen 10,406 oo ah kiisaska coronavirus iyo 261 oo dhimasho ah.
Dowladda Sri Lanka waxay mar kale soo rogtay Bandow jiraya 24 saacadood kaddib markii ay kiisaska kordheen.
Sri Lanka ayaa diiwaangelisay kiisas dhan 630 oo la xiriira cudurka covid-19 iyo 7 dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here