Wararka caalamka ee Coronavirus

Waxaa sare u sii kacday dhimashada la xiriirta cudurka covid-19 ee dalka Iiraan .
24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ku kordhay 71 waxayna hadda tahay 6,028,
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee dalkaas Kianush Jahanpur aya asheegay in kiisaska coronavirus ee ay xaqiijiyeen ay gaareen 94,640.
Cudurka Covid-19 ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha Maraykanka oo saddexdii billood ee ugu horreysay sannadkan hoos u dhacay boqolkiiba 4.8 .
Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom ayaa difaacay qaabka ay uga falceliyeen cudurka tan iyo markii uu soo billowday.
Waxaa uu xusay inay si degdeg oo u fiirsasho leh uga jawabeen.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in dowladda Japan ay isku diyaarinayso inay kordhiso mudada xaaladda degdegga ee uu dalkaas ku jiro.
Waxaa uu qorshuhu yahay in mudada ay dhammaato 6-da bisha May balse waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu jiro qorsho ah in hal bi loo dheeraad lagu daro.
Japan waxaa laga xaqiijiyay in ka badan 14,000 oo ah kiisaska coronavirus halka dhimashada ay tahay 436 .
Kiisaska la diiwaangeliyay in ka badan 4,000 oo ka mid ah waxaa lagu arkay gudaha magaalada Tokyo.
Maanta oo khamiis ah waxaa la soo tabiyay kiisas hor leh oo dhan 46
Dowladda Japan ayaa in ka badan 1 triiyoon oo doolar ku adeegsatay dib u soo nooleynta dhaqaalaha maadaama uu cudurka covid-19 saameyn weyn ku yeeshay.
Dowladda Thailand ayaa maanta oo khamiis ah shaacisay in la xaqiijiyay 7 kiis oo dheeraad oo la xiriira caabuqa coronavirus.
Kiisaska guud ee wadankaas laga diiwaangeliyay ayaa hadda ah 2,954.
Gudaha Thailand lagama soo tabin dhimasho hor leh waxayna weli tirada dadka ee cudurka u dhintay tahay 54.
Sido kale ku dhawaad boqolkiiba 91 ee bukaannada ayaa cudurka ka bogsaday oo loo ogolaaday inay guriyahooda dib ugu laabtaan.
Afhayeenka xarunta qaabilsan maareynta cudurka covid-19 ee Thailand Taweesin Wisanuyothin, ayaa sheegay in 213 qof ay weli isbitaallada ku jiraan oo la daaweynaya.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Ukraine Maksym Stepanov ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay xaqiijiyeen 10,406 oo ah kiisaska coronavirus iyo 261 oo dhimasho ah.
Dowladda Sri Lanka waxay mar kale soo rogtay Bandow jiraya 24 saacadood kaddib markii ay kiisaska kordheen.
Sri Lanka ayaa diiwaangelisay kiisas dhan 630 oo la xiriira cudurka covid-19 iyo 7 dhimasho ah.
Guud ahaan caalamka kiisaska coronavirus ayaa gaaray 3.19 milyan. Waxaa cudurka covi-19 u dhintay in ka badan 224,600 halka dadka ka bogsaday ay yihiin 957,000 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here