Wararka caalamka ee Coronavirus

Gudaha wadanka Spain waxaa laga diiwaangeliyay 605 oo ah kiisas dhimasho oo cusub oo la xiriira cudurka Covid-19 ee uu sababo caabuqa coronavirus.
Tiradan ayaa ah midii ugu hooseysay ee si maalinla ah gudaha dalkaas looga soo tabiyo laga soo billaabo 23-kii bishii hore.
Dhimashada Spain ee cudurka Covid-19 waxay hadda tahay 15,843.
Kiisaska la xaqiijiyay waxaa ku kordhay 4,576 waxayna hadda marayaan 157,022.
Dhimashada Maraykanka waxay kor u dhaaftay 16,600.
1,783 oo tiradan ka mid ah waxaa la diiwaangeliyay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto xaaladda.
Ingiriiska , dhimashada waxaa ku darsantay 881.
Ra’iisul wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa laga soo saaray qeybta daryeelka degdegga ee ICU-da in kastoo uu weli ku jiro isbitaal ku yaalla magaalada London.
Iiraan dhimashada waxay tahay 4,232 kaddib markii 122 cusub la diiwaangeliyay .
Dadka uu cudurkan saameeyay ee Iiraan waxay hadda tiradoodu tahay 68,192 sida laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda caafimaadka Kianoush Jahanpur.
Warbaahinta Dowladda ayuu sido kale u sheegay in ilaa 3,969 qof ay xaaladooda caafimaad liidato.
Tirada caalamka ugu dhimatay cudurkan waxay hadda ku dhowdahay 100,000.
Kiisaska dunida laga xaqiijiyay waxay gaareen 1.6 milyan.
In ka badan 355,000 qof ayaa ilaa iyo hadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here