Wararka ka imaanaya Magaalo xeebeeda Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu xalay ka dhacay qarax

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Marka waxaay warbaahinta u sheegeen in la dhigay afaafka hore ee Maxkamadii hore ee Magaalada Marka isla markaana uu ku dhaawacmay hal qof oo Shacab ah,kaasoo goobta marayay xilliga uu qaraxu dhacayay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda fedraalka Soomaaliya,ayna howlgal ay sameeyeen dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen qaraxaasi xabsiga u taxaabeen.
Maamulka Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa ka dhacay Magaaladaas,waxaana lagu soo waramayaa in saaka xaalada Magaalada Marka ay tahay mid degan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here