Wararkii ugu dambeeyay Corona Virus Dalka

24-kii saac ee u dambaysay waxaa dalkani Kenya laga baray xanuunka Corona Virus 1,682 waxaana laga helay dad gaaraya 114 taas oo tirada kiisaska guud ee dalka ka dhigaysa 34,315 .
318 ruux ayaana ka caafimaaday caabuqan taas oo bogsashada guud ka dhigtay 20,211.
Waxaana ay wasaaradda caafimaadka sheegtay in maanta uu qofna dalka ugu dhiman COVID-19 balse dhimashada guud wali waxay taagan tahay 577.
Tan iyo bishii Maarso uu xanuunkan dalka ka dilaacay waxaa baaritaan lagu sameeyay dad dhan 456,088.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here