Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Armenia iyo Azerbajan

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan (Drone) ayaa ku dhacday ciida dalka Iiraan gaar ahaana gobolka waqooyi galbeed ee Ardebil oo u dhaw xadka uu la wadaago Iran wadanka Azerbaijan.
Sida laga soo xigtay sarkaal kaas oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in diyaaradda aan la garanayn ee aan duuliyuhu wadin ay ku dhacday dhul beereed ku taal tuulo ka tirsan gobolka Parsabad wax khasaare ahna ma geysan.
Diyaaradan ayaa looga shakisan yahay inay maamulayeen ciidamada wadanka Azerbejan.
Dhinaca kale Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo wuxuu ugu baaqay Armenia iyo Azerbaijan inay hirgeliyaan xabad joojinta lagu heshiiyey ee dalka Ruushku .
Waxaa uuna ku baaqay in la joojiyo beegsiga dadka rayidka ah.
Maalmihii la soo dhaafay dagaal xoogan ayaa waxaa uu dhexmaray Armenia iyo Azerbejian waxaana ku dhimatay boqolaal qof oo isugu jirta ciidamo iyo dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here