Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Hindiya iyo Shiinaha

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Hindiya ayaa wadahadalo khadka telefoonka ah ka yeeshay iskahorimaadka dhexmaray ciidamada Hindiya iyo Shiinaha waxaa ayna ku heshiiyeen inay qaboojiyaan dagaalkan aadka u daran oo dhexmaray labada ciidamada.
Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ay ku dhimatay. Iska horimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo kuwa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku hayaan.
Khubadda ra’iisal wasaaraha oo si toos ah telefishinada looga daawanaayay ayuu Narendra Modi ka digay in dhimashada askartiisa “aysan sidaas uga haraynin.”
Militiriga Hindia iyo ciidamada badda dalkaas ayaa heegan sare la galiyay ka dib markii askar badan y uga dhinteen dagaalkii ay la galen ciidamada shiinaha.
Dhinaca kale magaalada New Delhi waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dagaalka Hindiya askarta badan looga laayay.
Dibadbaxayaasha ayaa waxaa ay tageen safaaradda shiinaha uu ku leeyahay magaaladaas balse waxaa ka hor istaagay ciidamada booliska .
Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada dhinac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano.
Beijing ayaan shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray, balse waxa ay Dehli ku eedeysay inay ciidamadeeda usoo tallaabeen dhanka Shiinaha.
Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee Shiinaha ayaa sheegay in ciidamada Hindiya ay Isniintii laba goor kasoo tallaabeen xuduudda, “iyagoo daandaansaday, weerarna la beegsaday ciidamada Shiinaha, taasoo keentay in gacmaha la isula tago,” sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here