Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Madasha Wadatashiga ee Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in wali socdaan kulamo u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyadda oo gaar gaar ah magaalada Dhuusamareeb.
Ilo ku sugan Dhuusamareeb oo ka mid ah maamulka Galmudug ayaa sheegay in Madaxda Dhuusamareeb ku sugan ay isku raaceen in maalinta berri ah uu furmo Shirka.
Waxaa lagu soo koobay maalinta berri ah Shirka Khudbad jeedin Madaxda Shirka qeyb galeysa.
Waxaa uu sidoo kale jira in xubno guddi hoosaad ah la Magacaabay kuwaa soo taxliin doona hanaanka doorashada Soomaaliya.
Labada qodob ee la kala taagnaa ee nooca doorashada ayaa weli xal laga gaarin sida qodobka maamul goboleedyada doonayaan ee doorasho dad-ban iyo qodobka doorashada qof iyo cod ee Madaxweynaha riixayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here