Wararkii Ugu Dambeeyay Howlgallo Xiriir Ah Oo Habeenkii Labaad Ka Socda Degmo Ka Tirsan Gobolka Banaadir.

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Booliska Soomaaliya Ayaa Howlgallo Baaritaano Ka Sameeyey Xalay Xaafado Ka Tirsan Degmada Dharkeenley, Iyadoo Howlgaladaas Lagu Qabtay Dhalinyaro Fara Badan.

Sida Wararku Sheegayaan Howlgalada Ayaa Ahaa Kuwo La Kordhiyay Habeenadii La Soo Dhaafay, Waxaana Uu Ahaa Mid Guri Guri Lagu Baarayay, Sidoo Kale Ciidamada Ayaa Baaritaan Ku Sameynayay Gaadiidka Noocyadiisa Kala Duwan.

Wararka Ayaa Sheegaya In Howlgaladan Si Gaar Ah Looga Sameeyay Xaafadaha Dabakaayo Madow Iyo Xoosh, Waxaana Intii Uu Socday Uu Saameyn Ku Yeeshay Dhaq Dhaqaaqa Ganacsiga Ee Xilliyada Fiidka Hore.

Dhalinyaradii Howlgalka Lagu Qabtay Ayaa La Sheegay In La Isugu Geeyay Goob Fagaare Ah, Waxaana Markii Dambe La Sii Daayay Inta Badan, Halka Qaarkood Ay Ciidamada Ay Kaxeysteen Oo Ay Baaritaano Ku Hayaan.

Taliska Booliska Ayaa Sheegay In Howlgalo Laga Sameeyay Xaafado Ka Tirsan Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa Iyo Dayniile Lagu Qabtay Illaa 70 Ruux Oo Looga Shakisan Yahay Inay Xiriir La Leeyihiin Al-Shabaab.

Waa Habeenkii Labaad Oo Ciidamada Booliska Howlgallo Ka Sameeyaan Xaafado Ka Tirsan Dharkeenley, Waxaana Uu Qeyb Ka Yahay Howlgallo Joogto Ah Oo Hey’addaha Amniga Ku Dhawaaqeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here