Wararkii ugu dambeeyay Kenya Corona Virus

Kenya ayaa diiwaangelisay 426 kiis oo kale oo “Covid-19” ah ka dib markii 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaan lagu sameeyay dad gaaraya 5,158 .
Tirade guud kiisaska dalka waxay noqonaysa 31,441, sida ay shaacisay Dr Mwangangi.
Xog’hayaha caafimaadka ayaa sheegtay in 257 bukaan ah ay ka soo kabsadeen fyruskan taas oo bogsashada guud ka dhigaysa 17,869.
Sido kale waxaa maanta u nafweysay Corona Virus dalka 10 qof oo dheeraad ah taas oo dhimashada guud ka dhigaysa 516.
Ku-simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka dalka Patrick Amoth wuxuu sheegay in 4 sheybaaro ah oo lagu baarayay xanuunka Covid-19 ay hoos uy dhac ku yimaadeen isagoona sheegay in hawlahooda cadiga ah ay 24-ka saac gudahooda ku soo laaban doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here