Wararkii ugu dambeeyay qaban qaabadda doorashada Madaxweynaha Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socda Qaban qaabada doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo maalinta beri ah lagu waddo in ay ka dhacdo halkaasi.
Ammaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyay,waxaana howlgallo ka wadda Magalada Ciidanka Booliska ee dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa kulamo kala duwan la leh Musharaxiinta dowlada ee ku sugan Dhuusamareeb iyo Guddiga doorashooyinka.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale waxaa ku sugan Sheekh Maxamed Cali Xasan oo dhawaan garabka Ahlusunna ay u doorteen Madaxweyne.
War-Mutiyeed kasoo baxay Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa loogu baaqay DFS inay joojiso faragelinta dhismaha Maamul Gobaleedka Galmudug waxaa ayna sheegeen in Xukuumaddu ay ku fashilantay dhismaha Galmudug Mid ah una qeybisay 3 Maamul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here