Wararkii ugu dambeeyay xaalada Lubnaan

Madaxweynaha wadanka Lubnaan Michel Aoun ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay magaalada caasimada ah ee Beirut uusan ka marneyn faragalin dibada ah bals eayna dhici karto habacsanaan ka timid maamulka dekedda Beirut.
Wasiirka Caafimaadka Lubnaan Xamaad Xasan ayaa sheegay in ugu yaraan 154 qof ay ku dhinteen qaraxa halka 5,000 kalena ay ku dhaawacmeen, laakiin tirada ayaa la filayaa inay kor u kacdo iyada oo ay socdaan hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ee dadka la la’yahay.
Walina waxaa socdaa baaritaanada la xariirta sida uu qaraxaas intaas la eg uu uga dhacay magaalada Beirut.
16 qof ayaa loo xiray dhacdaan iyadoona gudiga baaritaanada la siiyay 4 maalmood ah si ay u soo dadajiyaan baaritaanadooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here