Warbixin ku saabsan saameynta Ayaxa oo bil kaddib la shaacin doono

Wasiirka wasaaradda beeraha , xoolaha nool ee la dhaqdo , kallumeysiga iyo shirkadaha Mr. Peter Munya ayaa sheegay in muddo afar toddobaad kaddib, la soo bandhigi doono warbixin dhameystiran oo ku aaddan saameynta uu reebay Ayaxa ku degay qaar ka mid ah ismaamullada dalka.
Waxaa hadda baaritaano iyo qiimeyn sameynayaa khuburo arrintan loo xilsaaray.
Mr.Peter Munya ayaa hoosta ka xarriiqay in waxyaabaha lagu ogaado baaritaanada iyo qodobbada ku xusan warbixinta ay dowladda ka caawin doonaan in la taageero beeralayda uu Ayaxa saameeyay.
Ilaa iyo 26 ka mid ah dowlad deegaannada dalka ayuu Ayaxa dhibaato u gaystay waxaana ugu daran Marsabit, Garissa, Mandera, Isiolo iyo Tharaka Nithi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here