Warbixin lagu sheegay in 9 ka mid ah tobankii haween la tahriibiyo

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda sameysa wacyigelinta ka dhanka ah tahriibinta dadka ee (HAART) ayaa lagu sheegay in inta badan haweenka la bartilmaameedsado.
Kaddib markii hay’adda ay dabagal ku sameysay macluumaadka 586 qof oo la tahriibiyay tan iyo sannadii 2013-kii ayaa waxaa soo baxday in tobankii qof ee haween ah sagaal ka mid ah la musaafuriyay.
Madaxa fulinta ee hay’addan Radoslav Malinowski ayaa xusay in dadkaas ay boqolkiiba 85 haween ahayeen halka ragga lagu sheegay 15 boqolkiiba.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinka la dagaalanka tahriibka.
Boqolkiiba 86 ee kiisaska warbixinta lagu sheegay waxay ahayeen dad ka tagay Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here