Warbixin lagu Sheegay in Boqolkiiba 87 ee Kenyaanka aynan ku Faraxsanayn Xaaladda Dhaqaale ee Dalka

Darasaad cusub oo ay sameysay shirkadda  Twaweza   ayaa warbixin laga soo saaray waxaa lagu sheegay in boqolkiiba 87 ee  shacabka  lagu wareystay  inaynan    ku qanacsanayn  maaraynta  dhaqaalaha dowladda  iyo  halka uu ku wajahan  yahay.

Shirkaddan  ayaa  hoosta ka xariiqday  in tirada dadka ee  laga wareystay dhaqaalaha wadanka  kana  dayriyay  ay sare u sii kaceysay  tan iyo  sannadii 2016-dii .

Waxay tani micnaheedu tahay  in  10-kii qof sagaal ka mid ah  aynan  ku  faraxsanayn  habka  lagu maamuliyo dhaqaalaha   dalka.

Sido kale waxaa darasaadka  la sameeyay lagu ogaaday in boqolkiiba   54  ee Kenyaanka  aynan  ku qanacsanayn  dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Boqolkiiba  77 ee  dadweynaha la wareystay waxay  musuqmaasuqa  ku tilmaameen caqabadda ugu  weyn ee  haysata  dowladda madaxweyne Kenyatta gaar ahaan  fulinta  qorshayaasha  uu ku qotomay ololihiisi doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here