Warbixin xiiso badan; Sterling oo Van Dijk ku garaacay Laacibka Sanadka ee FWA

102

Van Dijk ayaa xalay loo caleemo saaray laacibka sanadka ee Premier League PFA balse waxaa iminka lagu garaacay laacibka sanadka ee FWA oo waxaa loo gacan galiyay Raheem Sterling.
FWA waa laacibka sanadka ee horyaalka Ingiriiska oo ay bixiyaan ururka qoraayaash Premier League ‘Football Writers’ Association’.
Xiddiga reer England ayaa dhibco badan ka sareeyay Van Dijk oo labaad galay.
Sergio Aguero ayaa saddexaad soo galay halka ay sidoo kale codod heleen Bernardo Silva, David Silva, Harry Kane, Eden Hazard iyo Alexandre Lacazette.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here