Warbixinta BBI oo soo jeedisay in ismaamul kasta uu labo senatar yeesho

Warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ee shalay lagu wareejiyay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu soo jeediyay in dowlad deegaan kasta laga soo doorto labo senatar oo isugu jiro qof rag ah iyo haweeney.
Ismaamul kasta waxaa uu hadda leeyahay hal senatar oo loo doortay inuu si dhow ula socdo waxqabadka dowlad deegaankiisa si mas’uuliyiinta loola xisaabtamo.
Isbeddellada kale ee ku xusan warbixinta ayaa ah in wadanka uu yeesho ra’iisul wasaare iyo labo ku xigeen.
Hadii isbeddeladan ay meel maraan, madaxweynaha ayaa awood u yeelan doono inuu soo magacaabo sido kalena xilalka ka qaado ra’iisul wasaaraha iyo ku xigeenadiisa.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa noqon doonto mid madax bannaan.
Golaha wasiirada ayaa laga soo xulan doonaa xildhibaanada baarlamaanka iyo aqoonyahaanada kale.
Waxaa meesha laga saaraya jagooyinka wakiillada haweenka ee ismaamullada.
Sidoo kale waxaa meesha ka baxaya siyaasiyiinta si magacaabid ah ku galay baarlamaanka iyo aqalka sare.
Waxaan jiri doonin xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka iyadoo dowladda ay aqoonsan doonto madaxa mucaaradka.
Warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI ayaa sidoo kale ku xusan in barasaabka ismaamulka iyo ku xigeenkiisa aysan isku jinsiyad ahaan Karin.
Miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda dhexe siiso ismaamullada oo hadda ah boqolkiiba 15 ayaa laga dhigayaa 35.
Golaha fulinya ee dalka waxaa uu ka koobnaan doonaa madaxweyne, ku xigeenkiisa, ra’iisul wasaare iyo labo ra’iisul wasaare ku xigeen.
Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa laga doonaya in ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta ay u qoondeeyaan haweenka iyo dhallinyarada.
Dhallinyarada ganacsatada ah ayaa muddo 7 sano ah laga cafinayaa canshuurta si ganacsigoodu uu u kobco.
Sidoo kale waxaa deegaanada hoose ee ismaamullada laga sameynayaa xarumo gaar u ah sare u qaadidda ganacsiga.
Tirada xildhibaanada la soo doorto ee baarlamaanka ayaa lagu kordhinayaa 38 si ay u noqoto 454.
Tani ayay micnaheedu tahay in deegaan baarlamaneedyada baaxadda leh sida Ijara iyo Koonfurta Wajeer laga soo dooran karo labo xildhibaan.
Dhanka kale shacabka Ijara ayaa soo dhaweeyay deegaan cusub oo ay xildhibaanadda Safiya Cabdi Nuur sheegtay in la soo kordhinayo sida uu ku soo warramayo Maxamad Mooge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here