Warbixinta guddiga BBI oo maanta Kenyaanka loo soo bandhigayo

Waxaa la filayaa in maanta xarunta Bomas ee magaaladatani Nairobi si rasmi ah shacabka lagula wadaago warbixinta bilooyinkii ugu dambeeyay la sugayay ee uu soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI.
Guddigan oo ka kooban 14 xubnood oo uu hoggaaminayo senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa shalay warbixinta ku wareejiyay madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga.
Mr. Yuusuf Xaaji ayaa shacabka ugu baaqay inay si qoto dheer oo deggan ay u akhriyaan qodobbada loo soo bandhigi doono

Guddiga BBI ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka waxaa uu dadweynaha ku booriyay inay dulqaad muujiyaan inta si rasmi ah shaaca looga qaadayo waxyaabaha ay muwaadiniinta dalka soo jeediyeen.
Sido kale BBI ayaa ku baaqday inaan lagu dagmin warar lagu faafiyay baraha bulshada ay ku wada xiriirto.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa kaddib markii warbixinta lagu wareejiyay sheegay in ujeedada arrinkan laga leeyahay ay tahay sidii looo mideyn lahaa shacabka .
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenyaanka laga doonayo inay isku duubnaadaan oo aan marnaba kala duwanaansho siyaasadeed lagu kala qeybin.
Uhuru iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday in warbixinta maanta si rasmi ah loo soo bandhigyo ay wadanka u horseedi doonto midnimo buuxda iyo in cid kasta ay dareento inay dowladda ka dhex muuqato ama lagu matalo
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in la joogo xilligii laga gudbi lahaa in sida uu hadalka u dhigay la kala taagnaado oo ay lagama maarmaan tahay in miiska wada hadalka la isugu yimaado si cid kasta ay fursad ugu hesho inay aragtideeda soo gudbiso, looga dhageysto kaddibna wixii ay dadweynaha dani ugu jirto la tixgeliyo

Raila Odinga ayaa dhankiisa sheegay in isbeddelada la doonayo aynan ku koobneyn oo keliya soo bandhigga warbixinta BBI balse in la guda galayo wada hadalo dhinacyo badan taabanaya.
Raila ayaa hoosta ka xarriiqay in aragtiyada la soo aruuriyay ay dhiibteen qaar ka mid ah Kenyaanka sidaasi awgeedna la doonayo in cid kasta ay warbixinta akhriso si talooyinka la soo jeediyay haddii ay isbeddel u baahan yihiin dib u eegis lagu sameeyo.
Guddiga BBI ayaa la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray madaxweyne Uhuru iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga.
Kulankaasi iyo is-afgarad xigay ayaa meesha ka saaray xaaladdii siyaasadeed ee cakirneyd ee uu dalka xilligaasi ku jiray maadaama doorashooyin madaxtinimo oo dhacay lagu kala qeybsamay.
Raila iyo Uhuru ayaa soo bandhigay guddigan oo loo xilsaaray inay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha ee ku saabsan ilaa sagaal qodob.
Qoddobadan ayaa kala ah dowlad wadaajinta, in cid kasta ay dareento inay dowladda ka dhex muuqato, xal u helidda doorashooyinka lagu kala qeybsamo,musuqmaasuqa, qabyaaladda, badqabka iyo ammaanka, la’aanta anshax qaran, barwaaqo iyo horumar la wada gaaro, xuquuqda iyo waajibaadka.
Guddoomiyaha guddigan ahna senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa shir jaraaid oo uu qabtay isbuucii hore ka sheegay in shakhsiyaad iyo xubnaha waaxyo ama ururo kala duwan ay soo gudbiyeen arrimaha ay u arkaan inay xal u noqon karaan caqabadaha ka taagan dalka.
Sido kale waxaa uu sheegay inay tageen dhammaan 47-da ismaamul ee wadanka sidaasi awgeedna ay u mahadcelinayaan in ka badan 7,000 oo qof oo Kenyaan ah oo ka soo kala jeedo jinsiyado, qabiilo iyo diimo kala gedisan kuwaasoo siyaabo kala duwan aragtidooda ugu soo gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here