Warbixinta guddiga BBI oo maanta madaxweynaha lagu wareejinayo

Waxaa la filayaa in maanta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI uu warbixin bilooyinkii la soo dhaafay laga sugayay ku wareejiyo hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta .
Maalinkii jimcaha ee toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii guddoomiyaha guddigga BBI ahna senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji uu sheegay inay 26-ka bishan warbixinta u gacan gelinayaan Mr. Kenyatta.
Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa dalka iyadoo siyaasiyiinta ay ku kala aragti duwan yihiin.
Berri ayaa la qorsheeyay in Kenyaanka warbixintan lala wadaago.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in shacabka loo soo bandhigi doono isago ku baaqay in si deggan loo akhriyo.
Waxaa uu xusay inay jiraan arrimo la doonayo in wax laga beddelo taasina aan la dafiri karin.
Guddigan oo ka kooban 14 xubnood ayaa la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray madaxweyne Uhuru iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga.
Kulankaasi iyo is-afgarad xigay ayaa meesha ka saaray xaaladdii siyaasadeed ee cakirneyd ee uu dalka xilligaasi ku jiray maadaama doorashooyin madaxtinimo oo dhacay lagu kala qeybsamay.
Raila iyo Uhuru ayaa soo bandhigay guddigan oo loo xilsaaray inay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha ee ku saabsan ilaa sagaal qodob.
Qoddobadan ayaa kala ah dowlad wadaajinta, in cid kasta ay dareento inay dowladda ka dhex muuqato, xal u helidda doorashooyinka lagu kala qeybsamo,musuqmaasuqa, qabyaaladda, badqabka iyo ammaanka, la’aanta anshax qaran, barwaaqo iyo horumar la wada gaaro, xuquuqda iyo waajibaadka.
Guddoomiyaha ayaa shacabka iyo warbaahinta ama cid kasta oo doonaysa inay xaqiijin dheeraad ah sameyso ka codsaday inay guddiga uu hoggaamiyo ay si toos ah ula xariirto.
Mr. Xaaji ayaa carrabka ku dhuftay in shakhsiyaad iyo xubnaha waaxyo ama ururo kala duwan ay soo gudbiyeen arrimaha ay u arkaan inay xal u noqon karaan caqabadaha ka taagan dalka.
Sido kale waxaa uu sheegay inay u mahadcelinayaan in ka badan 7,000 oo qof oo Kenyaan ah oo ka soo kala jeedo jinsiyado, qabiilo iyo diimo kala gedisan kuwaasoo siyaabo kala duwan aragtidooda ugu soo gudbiyay.
Bayaanka oo sido kale lagu daabacay barta rasmiga ee guddiga BBI ayaa lagu sheegay in warbixintii uu diyaarinayay ee in badan la wada sugayay la dhameystiray 23-kii bishii Tobnaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here