Warbixinta guddiga BBI oo madaxweynaha lagu wareejinayo Talaadada

Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa maanta shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in maalinka talaadada taariikhduna tahay 26-ka bishan 11-aad inuu warbixinta laga sugayay ku wareejin doono madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Guddigan oo ka kooban 14 xubnood ayaa la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray madaxweyne Uhuru iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga.
Kulankaasi iyo is-afgarad xigay ayaa meesha ka saaray xaaladdii siyaasadeed ee cakirneyd ee uu dalka xilligaasi ku jiray maadaama doorashooyin madaxtinimo oo dhacay lagu kala qeybsamay.
Raila iyo Uhuru ayaa soo bandhigay guddigan oo loo xilsaaray inay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha ee ku saabsan ilaa sagaal qodob.
Qoddobadan ayaa kala ah dowlad wadaajinta, in cid kasta ay dareento inay dowladda ka dhex muuqato, xal u helidda doorashooyinka lagu kala qeybsamo,musuqmaasuqa, qabyaaladda, badqabka iyo ammaanka, la’aanta anshax qaran, barwaaqo iyo horumar la wada gaaro, xuquuqda iyo waajibaadka.
Guddoomiyaha guddigan ahna senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay soo qabteen

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada iyadoo lagu andacoonaya in laga soo xigtay BBI.
Waxaa uu xusay in wararkaasi ay yihiin kuwo looga gol leeyahay in kenyaanka lagu marin habaabiyo oo kala qeybsanaan looga dhex abuuro iyadoo dhanka kale uu jiro dadaal qaran oo lagu mideynayo dadweynaha.
Guddoomiyaha ayaa shacabka iyo warbaahinta ama cid kasta oo doonaysa inay xaqiijin dheeraad ah sameyso ka codsaday inay guddiga uu hoggaamiyo ay si toos ah ula xariirto.
Mr. Xaaji ayaa carrabka ku dhuftay in shakhsiyaad iyo xubnaha waaxyo ama ururo kala duwan ay soo gudbiyeen arrimaha ay u arkaan inay xal u noqon karaan caqabadaha ka taagan dalka.
Sido kale waxaa uu sheegay inay u mahadcelinayaan in ka badan 7,000 oo qof oo Kenyaan ah oo ka soo kala jeedo jinsiyado, qabiilo iyo diimo kala gedisan kuwaasoo siyaabo kala duwan aragtidooda ugu soo gudbiyay.
Bayaanka oo sido kale lagu daabacay barta rasmiga ee guddiga BBI ayaa lagu sheegay in warbixintii uu diyaarinayay ee in badan la wada sugayay la dhameystiray 23-kii bishii Tobnaad ee sannadkan.
Arrimaha BBI iyo warbixinta aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay gudaha wadanka si weyn looga hadal hayay.
Siyaasiyiinta qaar ayaa tageeraya halka kuwo kale oo dareemaya inay horseedeyso in shakhsiyaad gaar ah ay ka faaiidayaan ay ka soo horjeesteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here