Warbixinta hordhaca ah ee Tirakoobka qaran oo la soo saarayo saddex bilood kaddib

Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Ukur Yattani ayaa shaaca ka qaaday in saddex bilood kaddib la soo bandhigi doono warbixinta ka soo baxdo tirakoobka qaran ee la sameynayo bishan sideedaad.
Mr. Yattani ayaa hoosta ka xarriiqay in taariikhda dalka ay noqon doonto markii ugu horreysay ee tirakoobka qaab elektoroonik ah loo fulinayo.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xisaabta la soo gurbiyo ay noqon doonto mid cid aynan khuseynin aan lala wadaagin sida ku qeexan sharci la ansaxiyay sannadkii 2006-dii.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dowladda ay qorsheysay in tirinta dadweynaha lagu qabto ilaa 129,123 goobood waxaana goob waliba ay ka koobnaan doontaa 100 qoysas ah.
Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda iyo waaxda qaran ee qaabilsan keydinta tirooyinka ay labaduba madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ka codsadeen inuu 26-ka bishan ku dhawaaqo inay tahay maalin fasax ah si tirinta dadweynaha loogu guulaysto.
Tirakoobka qaran oo 10-kii sano hal mar ah la qabto ayaa lagu wadaa inuu bilowdo habeenka 24-ka bishan sideedaad waxaa uuna soconaya ilaa 3-da bisha sagalaad ee isla sannadkan 2019-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here