Wareegii 6-aad ee wada hadalada Maraykanka iyo Taalibaan oo furmaya

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa sheegay in maanta lagu wado inuu furmo wareegga lixaad ee wada hadalada u dhexeya dowladda Maraykanka iyo kooxdaasi.
Waxay labada dhinac ku kulmayaan dalka Qatar si xal loogu helo dagaalada 17 sano ka taagnaa wadanka Afghanistan.
Zabihullah Mujahid, afhayeenka Taalibaan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay la filayo in wada hadalada ay bilowdaan saacadaha soo socdo maadaama uu Qatar gaaray wafdi ka socdo dowladda Maraykanka.
Labada dhinac ayaa horay dhowr mar u kulmay in kastoo ilaa iyo hadda uunan jirin heshiis kama dambeys ah oo la iska gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here